PSG Oo Man United Ku Cidhiidhinaysa Xiddig Ay Solskjaer Kaga Dhagantahay.

Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga daafaca kooxda Atletico Madrid ee Kieran Trippier sida ay sheegayaan wararku.

Red Devils ayaa si aad ah u doonaysa saxiixa xiddiga Kieran Trippier iyada oo uu tababare Ole Gunnar Solskjaer u doonayo in uu la tartansiiyo xiddiga Aaron Wan-Bissaka xilli ciyaareedka dambe.

Atletico madrid ayaa la rumaysanyahay in ay doonayso lacag dhan 42 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga reer England inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wargayska France Football ayaa haatan sheegaya in ay kooxda PSG doonayso saxiixa xiddiga taas oo xaalka ku adkaynsays kooxda Man United.

PSG ayaa Kieran Trippier u doonaysa badalka Achraf Hakimi kaas oo ay ku adagtahay in ay hesho saxiixiisa sabab la xidhiidha qiimaha Inter Milan oo aad u badan.


Source: laacibfm

SHARE