Ruben Loftus-Cheek Oo Chelsea Ka Caawin Kara Saxiixa Achraf Hakimi, Qaab Noocee Ah.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay in ay xiddiga Ruben Loftus-Cheek ka qayb dhigto heshiiska ay ku doonayso daafaca Midig ee kooxda Inter Milan ee Achraf Hakimi.

Xiddiga reer England ayaa ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo chelsea xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay waxana uu amaah ku qaatay kooxda Fulham qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka.

Loftus-Cheek ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay chelsea markii uu Maurizio Sarri hogaaminayay kooxda waxana la filayaa in uu isaga tago kooxda Chelsea xagaagan.

Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay chelsea xiddiga Loftus-Cheek ku dari doonto heshiiska ay ku doonayso xiddiga Hakimi si ay hoos ugu dhigto qiimaha ay Inter ku doonayso xiddiga.

Heshiiska Loftus-Cheek ee chelsea ayaa dhici doona xagaaga 2024 waxana uu kooxda u dhaliyay 12 gool halka uu caawiye ka noqday 11 kale 82 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.


Source: laacibfm

SHARE