Varane, Kane, Sancho, Calvert-Lewin, Trippier, Loftus-Cheek, Hakimi, James, Griezmann, Pogba, Grealish & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Man City ayaa dalabkii ugu horeeyay waliba noqon doona midka ugu dambeeya oo dhan 100 milyan ka gudbin doonta saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Tottenham ee Man City (Star).

Si kasta ha ahaatee Agaasimaha Tottenham Daniel Levy ayaa diidi doona in uu xiddiga Harry Kane ku biiro kooxda Man City (Telegraph).

Kooxda Man United ayaa Borussia Dortmund miiska u saartay dalab lacageed oo dhan 75 milyan oo euro kadib markii laga diiday dalabkeedii hore ee 69 milyan ahaa (Mail).

Man United ayaa ka cabsi qabta in uu xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba dhamaysan doono heshiiskiisa kadib qaab xor ah uga tagi doono kooxda xagaaga dambe (Mirror).

Tababaraha Kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa doonaya in uu saxiixiisa ugu horeeya ka dhigto weeraryahanka Everton ee Dominic Calvert-Lewin (Sun).

Kooxda Real Madrid ayaa mar kale dib ula soo saxiixan doonta xiddiga khadka dhexe ee James Rodriguez (Sport).

Kooxda PSG ayaa Man United kula biirtay baacsiga xiddiga daafaca Midig uga ciyaara Atletico Madrid ee Kieran Trippier (Mundo Deportivo).

Kooxda chelsea ayaa diyaar u ah in ay xiddiga khadka dhexe ee Ruben Loftus-Cheek ku darto heshiiska ay ku doonayso xiddiga Achraf Hakimi (Gazzetta dello Sport).

Goolhayaha kooxda Wolves ee Rui Patricio ayaa ogolaaday in uu Jose Mourinho kula biiro kooxda Roma (Sky Sport).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann ayaa qirtay in uu Barcelona isaga tagi doono xagaaga 2024 kuna biiri doono horyaalka America (Sun).

Kooxda Barcelona ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee koxoda Juventus ee Aaron Ramsey (El Gol Digital).

Kooxaha Roma iyo Arsenal ayaa ka heshiiyay qiimaha lagu heli karo xiddiga khadka dhexe ee Granit Xhaka kaas oo dhan 17 milyan oo euro (Gazzetta dello Sport).

Kooxda Man City ayaa isku diyaarinaysa in ay jabiso suuqa kala iibsiga Premier League si ay u hesho saxiixa xiddiga Jack Grealish (Mirror).

Wakiilka xiddiga Raphael Varane ayaa wadahadalo la qaatay Man United todobaadkan kadib markii uu diiday heshiiskii ay Real Madrid u soo bandhigtay xiddiga (Mirror).

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa  maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo saxiixa Sergio Ramos (Star).

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa diyaar u ah in uu 15 milyan oo euro ku iibiyo xiddiga khadka dhexe ee Donny van de Beek (Star).


Source: laacibfm

SHARE