Wareega 3-aad Ee Group-ka Tartanka Euro 2020 Oo Maanta Bilaaban Doono & Group A Oo Lagu Kala Bixi doono.

Waxa maanta bilaaban doona wareega 3-aad ee Wareega Group-yada tartanka Euro 2020 waxana la ciyaari doonaa 2 kulan oo ka tirsan Group-kaas iyada oo maanta lagu kala bixi doono Group-ka.

Xulka Italy ayaa isagu wakhti hore goostay tigidhkiisa wareega xiga ee tartanka kadib markii ay badiyeen labadii kulan ee hore waxa sidoo kale ugu cad-cad in ay goostaan tigidhkooda wareega xiga xulka Wales oo kulan badiyay mid kalena bar-baro galay.

Wali waxa aan la go’aamin kaalinta 3-aad oo waxana ku tartamaya xulalka Switzerland iyo Turkey kuwaas oo wada ciyaari doona kulanka ugu dambeeya ee maanta.

Xulalka Italy iyo Wales ayaa dhankooda wada ciyaaraya natiijo kasta oo ay kulanka ka helaan waxa ay ugu bixi karaan booska xiga marka laga yimaado hadii uu xulka Switzerland guul 5/0 ah ka gaadho xulka Turkey markaas Wales ayaa kaalinta 3-aad ku soo dhici doonta.

Dhanka kale xulka Turkey ayaa u baahan in uu guul ka gaadho xulka Switzerland Hadii uu doonayo in uu u gudbo wareega xiga ee tartanka Euro 2020.


Source: laacibfm

SHARE