XASAASI: Sergio Ramos Oo La Midoobi Kara Jose Mourinho

Wararka ka imanaya dalka Italy ayaa qarxiyay lama filaan weyn kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in uu tababaraha kooxda Roma ee Jose Mourinho ka fikirayo in uu la saxiixdo xiddiga Sergio Ramos.

Sergio Ramos ayaa isaga tagay kooxda Real Madrid kadib 16 sano oo uu joogay kooxda Los Blancos kadib markii uu heshiis cusub la gaadhi waayay kooxda Los Blancos.

Sida laga soo xigtay CalcioMercato Tababare Jose Mourinho ayaa doonaya in uu Ramos ka dhigto saxiixyadiisa kooxda Roma si uu mar kale ula shaqeeyo xiddiga reer Spain.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu jiro xidhiidh dhexmaray Jose Mourinho iyo Ramos kadib markii uu xiddigu xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda.

Mourinho ayaa rajaynayaa in uu Ramos ku qanciyo in uu ku soo biiro kooxda Roma kana mid noqday saxiixyadiisa cusub ee uu dib ugu dhisayo kooxda Roma xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm

SHARE