Xiddigah Ugu Goolasha Badan Ilaa Haatan Euro 2020 Kadib Markii Uu Dhamaaday Wareega 2-aad Ee Group-yada.

Waxa soo dhamaaday wareega 2-aad ee Group-yada tartanka Euro 2020 waxana maanta bilaaban doonta wareega 3-aad ahna midka ugu dambeeya ee Wareega Group-yada tartanka Euro 2020 sanadkan

Waxa jira xiddigo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay tartanka ilaa haatan kadib markii la ciyaaray 2 kulan oo ka mid ah wareega Group-yada tartanka Euro 2020.

Xiddiga kooxda Juventus iyo xulka Portugal ee Cristaino Ronaldo ayaa dhaliyay 3 gool ilaa haatan tartanka Euro 2020 waxa sidoo kale la goolal ah xiddiga xulka Cezch Repblic ee Patrik Schick kaas oo isna dhaliyay 3 gool.

Dhanka kale waxa jira xiddigo badan oo dhamaantood isku goolal ah kuwaas oo wada dhaliyay min 2 gool ilaa haatan tartanka Euro 2020 kadib markii la ciyaaray 2 kulan tartanka.

Xiddigaha Andriy Yarmolenko, Ciro Immobile, Denzel Dumfries, Manuel Locatelli, Roman Yaremchuk iyo Romalu Lukaku ayaa dhamaantood dhaliyay min 2 gool tartanka Euro 2020.

Halkan Kaga Bogo xiddigaha goolasha ugu badan dhaliyay tartanka Euro 2020

  1. Cristiano Ronaldo (Portugal) 3
  2. Patrik Schick (Cezch Repblic) 3
  3. Andriy Yarmolenko (Ukraine) 2
  4. Ciro Immobile (Italy) 2
  5. Denzel Dumfries (Netherland) 2
  6. Manuel Locatelli (Italy) 2
  7. Roman Yaremchuk (Ukraine) 2
  8. Romalu Lukaku (Belguim) 2


Source: laacibfm

SHARE