Xulka Italy Oo Garaacay Xulka Wales, Switerland Oo Dhaaftay Turkey & Xulalka Sida Rasmiga Ah Ugu baxay Wareega 16-ka Euro 2020.

Xulka Qaranka Italy ayaa sii waday bilowgiisa cajiibka ah ee tartanka Euro 2020 iyaga oo guushoodii 3-aad ka gaadhay xulka Wales Xilli uu Xulka Switzerland ku ciil baxay xulka Turkey sidaasna ku gaadhay guushoodii ugu horaysay.

Xulka Italy ayaa ahaa mid fiican ciyaarta bilow ilaa dhamaad iyaga oo dhinac walba kaga fiicnaa xulka Wales kuwaas oo ku dhibaatooday in ay saamayn ku yeeshaan ciyaarta.

Xulka Italy ayaa daqiqiadii 12-aadba halis galiyay goolka xulka Wales kadib markii uu xiddiga Bastoni fursad cajiib ah soo hor dhigay goolka laakiin weeraryahanka Belotti ayaan gaadhin kubadaas.

Goolhayaha xulka Wales ayaa daqiiqadii 15-aad sameeyay badbaadin cajiib ah kadib markii uu xiddiga Emerson laad xoogan ku laagay goolka xulka Wales.

Xulka Italya ayaa marba marka ka dambeeya halis galinayay goolka xulka Wales iyaga oo raadinayay in ay dhaliyaan goolka furitaanka ciyaarta.

Daqiiqadii 27-aad ayuu xulka Wales isku day ku sameeyay goolka xulka Italy waxana khatar galiyay goolka xulka Italy xiddiga Ramsey kadib markii uu ku qaban gaadhay baas cajiib ah oo uu ka helay xiddiga Daniel James.

Xulka Qarnaka Italy ayaa daqiiqadii 39-aad dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Matteo Pessina kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa kaan dhigay ciyaarta 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Italy ahaa midka fiican xilli Wales ku dhibaatootay in ay saamayn ku yeelato ciyaarta.

Qaybtii dambe ayuu xulka Italy sii waday raadinta goolasha xilli uu xulka Wales helay dhawr fursad oo cajiib ah oo ay goolal ku dhalin kareen.

Dhanka kale xulka Switzerland ayaa garaacay xulka Turkey kuwaas oo guul la’aan kala baxay tartanka Euro 2020 kadib markii ay guuldaro 3/1 ah kala kulmeen xulka Switzerland.

Waxa sidaas kaalinta 1-aad ee Group-ka ugu soo baxay xulka Italya halka uu xulka Wales ku soo baxay kaalinta 2-aad iyada oo uu xulka Switzerland ku soo baxay kaalinta 3-aad ee Group-ka.


Source: laacibfm

SHARE