Xulka Somaliya Oo Guuldaro Kala Kulmay Xulka Oman Laakiin Xiddigaha Xulka Somaliya Oo Helay Ixtiraamka Adduunka

Xulka qaranka Somaliya ayaa guuldaro kala kulmay xulka Oman kulan ka tirsanaa is reeb-reebka tartanka FIFA Arab Cup kana dhacay garoonka Jassim Bin Hamad Stadium.

Kulanka ayaa ku bilowday qaab dar-dar leh oo uu xulka Somaliya ciyaar deg-deg ah ciyaarayay iyaga oo doonayay in ay Xulka Oman kaga horeeyaan goolka.

Dhanka kale xulka Oman ayaa si dagan u ciyaarayay isla markaasna doonayay in ay ciyaarta dajiyaan iyaga oo kubada ka haystay xulka Somaliya.

Xulka Oman ayaa daqiiqadii 11-aad helay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga muhsen kaas oo xulkiisa u dhiibay Hogaanka ciyaarta kana dhigay 1/0.

Xulka Somaliya ayaa si qurux badan u ciyaarayay laakiin dhibaatada weyn ayaa ee xulka somaliya haystay ayaa ahayd in ay ku dhibaatoonayeen goolka hortiisa mar walba oo ay hor tagaan goolka ka muuqday khal-khal.

Xulka Oman ayaa daqiiqadii 36-aad dhaliyay goolka 2-aad kadib markii rikoodhe loo dhigay iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Salah kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 uu xulka Oman ku hogaaminayay ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Oman ku hogaaminayo 2/0 laakiin uuna xulka Somaliya ahayn mid xun kaliya ka maqanayd dhamaystirka fursado badan oo ay heleen.

Qaybtii dambe ayuu xulka Somaliya ciyaarta ku soo galay si ka duwan qaybtii hore iyaga oo maamulayay ciyaarta kana fiicnaa xulka Oman kuwaas oo difaac ku jiray.

Laakiin xulka Somaliya ayaan fursado badan helin marka loo eego in uu xulka Oman difaacanayay ciyaarta sidoo kale xiddigaha Somaliya ku adkayd in ay goolka hor tagaan.

Daqiqiadii 56-aad ayay wax walba is badaleen kadib markii uu xulka Somaliya dhaliyay goolka 1-aad iyaga oo uu madax qurux badan u dhaliyay xiddiga Abel Gigle kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Xulka Somaliya ayaa wax walba ka sameeyay ciyaarta qaybtii dambe laakiin xulka Oman ayaa difaac galay iyaga oo xiddigaha Somaliya u diiday in ay gaadhaa goolkiisa.

Daqiiqadii ugu dambaysay ayuu xulka Somaliya helay fursadii ugu khatarsanayd kadib markii uu xiddiga Anwar oo badal ku soo galay helay kubad dahab ah goolka hortiisa laakiin waxa uu dhaafin kari waayay kubada goolhayaha xulka Oman

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Somaliya ka hadhay tartanka halka xulka Oman gaadhay wareega Group-yada laakiin xiddigaha xulka Somaliya ayaa helay Ixtiraamka adduunka kadib qaab ciyaareedka ay soo bandhigeen.


Source: laacibfm

SHARE