DEG-DEG: Borussia Dortmund Oo Diiday Dalabkii Ay Man United Ka Gudbisay Saxiixa Jadon Sancho, Una Sheegtay Waxa Looga Baahanyahay

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in loo sheegay inay kordhiso dalabkeeda ay ka gudbineyso garabka kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho.

Todobaadkii hore waxa la sheegay in ay man United miiska saartay dalab cusub oo dhan 75 milyan oo euro si ay u helaan xiddiga reer England kaas oo doonaya in uu u dhaqaaqo Old Trafford.

Si kasta ha ahaatee Kooxda Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in ay diiiday dalabka ay kooxda Man United miiska saartay una sheegtay in ay kor u qaado dalabkeeda hadii ay doonayso saxiixa xiddiga.

Sida laga soo xigtay talkSPORT, United ayaa lagu wargaliyay in ay bixiso lacag dhan 77 milyan oo ay halka hore ka bixin doonto iyo waliba lacago Guno ah hadii ay doonayso xiddiga 21 jirka ah.

Sancho ayay 2 sano uga hadhsantahay heshiiska kooxdisa Borussia Dortmund waxana uu haatan xulka England kala qayb qaadanayaa tartanka Euro 2020.

Sii Akhriso: Qof Ku Jecel Mise Qof Aad Jeceshahay? Qofkee Ayaad Dooranaysaa + Sababta


Source: laacibfm

SHARE