DEG-DEG: Laba Xiddig Oo Muhiim U Ah Xulka Qaranka England Oo Karantiil Lagu Qasabay Ka Hor Kulanka Czech Republic

Qorshihii Tababaraha xulka qaranka England Gareth Southgate ee isku diyaarinta kulanka Czech Republic ee tartanka Euro 2020 ayuu khal-khal weyn soo galay kadib markii karantiil la galiyay xiddigaha Maon Mount iyo Ben Chilwell.

Xidhiidhka Kubada cagta Scotland ayaa bilowgii maanta ku dhawaaqay in xiddiga Billy Gilmour galay karantii 10 maalin ah kadib markii xanuunka Korona laga helay maalmo yar kadib markii ay bar-baro la galeen xulka England

Xiddigaha Mount iyo Chilwell oo ciyaaray 90-kii daqiiqo ee kulankii Scotland ayaa la arkay qaybtii dambe iyaga oo la jooga xiddiga Scotland kadib dhamaadkii ciyaarta iyaga oo xitaa garabka qabsaday.

Labada xiddig ee reer England ayaana haatan karantiil la galiyay taas oo ka hor istaagaysa in ay ciyaaraan kulanka Bari ee Czech Republic.

Sidoo kale waxa ay seegi karaan wareegyada bug baxa ee tdobaadka dambe xilli xidhiidhka FA-gu si dhaw ula socdo dadka ku lugta leh caafimaadka.

Sii Akhriso: Qof Ku Jecel Mise Qof Aad Jeceshahay? Qofkee Ayaad Dooranaysaa + Sababta


Source: laacibfm

SHARE