Dib U Eegid: Mucjisadii Lambar 8-ad Ee Xulka Somaliya Iyo Wax Yaabihii Laga Bartay Kulankii Oman

Waxyaabihii laga bartay kulankii xulkeena Somalia guuldarrada dirqiga ahayd kala kulmeen xulkii Casiirka laga matajiyey ee Cumaan.
* Daafaca oo loo Dusi waayey:Hadii aad ku riyoonayaysay ciyaarta ka hor inaad arki doonto Somaliyadii lugu dhufan jiray 7:0 saaxiib waa qaldan tahay, anigu shaqsiyan waxaan daawaday wiilal siday Jafoolay u cunayeen daafacooda la jabin waayey.
Ahmed Saciid oo ahaa wadnaha daafaca xulkeena oo watay numberka shanaad ayaa ahaa wadnaha daafaca, dhererka Van Djik iyo John Terry, xoogii Sol Campell iyo mirirkii Nemanj Vidic ayaan caawa ku siiyey daaficii ugu fiicnaa dhankeena, iyadoo samigeey maxamuud cali oo numberka afaraad watay isaguna u ahaa mid cajiib ah oo weerarka iyo daafacaba ka qayb qaadanayey.
* Mikel Arteta Ha Arko Kabtan Cabdisamed:Wiilkaan numberka 8-daad u waray Somalia, ahaana kabtankii caawa Basoxiir Cabdisamed Cabdulaahi, waxaan qirayaa inuu leeyahay mustaqbal wayn.
Awoodiisa daafaca khadka dhexe ( Say-ga ama numberka Lixaad ), isku xirkiisa weerarka, ( numberka 10-aad ) sharaxidiisa baaska ee khadka dhexe numberka ( 8-aad ) iyo kalsoonidiisa aan wax la siisto jirin, ayaan mar shaqsiyan is waydiiyey in Patrick Vierra soo lumay u ciyaarayo xulkeena Somalia. Mikel-oow hadii aad ciyaarta Somalia daawatay waad aragtay khadkii dhexe ee aad la lamaanin lahayd Thomas-ka Arsenal.
Goolhayaha ayaa na Xini*yo Qabtay:Kubadda cagta khalad waa ka dhacaa, laakiin labadii gool ee caawa Somalia lugu reebay, wuxuu ahaa khalad-ka Mustaf Maxamed, Awoowgiis allaha janeeyo. 😡
Inaad kubadda soo Tufto iyadoo darbo qaboow ah ahayd, iyo inaad soo baxdo oo aad ciyaartooy ku dhex taabato xeradda ganaaxa wuxuu ahaa labo khalad oo dilay 20- milyan oo Somali ah, laakiin waa wax caadi ah oo ka dhaca kubadda Cagta. Khal-khal xoogaa ah iyo kubada uusan qabin karin ayuu walalkeen Mustaf u baahan yahay tababar badan oo la siiyo.
Weerarku Waa Wada Jiifay.
Weerarka Ocean Star waxaad-ba u mooda kuwo barkin dhigtay oo isku hurda xeebta Liido iyo Bosaso, marka aad eegto inaysan saamayn badan lahayn.
Bidixle Maxamed Cawad oo numberka 11-aad u qabay Somalia ayaa mar-mar i xasuusinayey Muusikaddii uu Nicolas Pepe u shidi jiray daafaca, laakiin kuma aysan filnayn inuu shabaqa gaaro.
Ugu dambayn waa harnay, laakiin qaab ciyaareed cajiib ah ayeey soo bandhigeen Somalia, inay keliya hal kulan ciyaareen tan iyo 2019- Somalia iyo inay qaab-kaan u ciyaareen ayaan caawa k cafiyey Wiilasheena.
Waxaa Qoray : Wariye Maxamuud Fantastic
Kala Xariir Facebook https://www.facebook.com/maxamuud.fanta


Source: laacibfm

SHARE