England Diyaar Uma Ahan Inay Ku Guuleysato Euro 2020

Tababaraha Xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa soo jeediyay in England aysan diyaar u aheyn ku guuleysiga Euro 2020 ka dib barbarihii goolal la’aanta ahaa ee ay la galeen deriskooda Scotland jimcihii.

Qaabkii fiicnaa ee uu xulka England ku bilowday tartanka Euro 2020 ayaa la hakiyay kadib markii ay ku dhibaatoodeen kulankii Scotland kuna fashilmeen in ay qaab ciyaareed fiican soo bandhigaan.

Xulka England ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay qaab ciyaareedkii kulankii Wembley iyada oo ay Halyeeyo badan iyo waliba saxaafadu si xun u weerartay xulka qaranka England.

Tababare Southgate Ayaa ciyaarta kadib sheegay in ay xiddigaha xulka England ka niyad jabsanaayeen qaab ciyaareedka ay soo bandhigeen waliba ayna ku faraxsanayn natiijada bar-baraha ah ee ay heleen.

Southgate Ayaa sheegay in ay jiraan xulal ka awood weyn xulkiisa England kuwaas oo kala ah Belgium, France, Portugal & Italy sabab la xidhiidha in ay xiddigo da’yar ah oo bilaa khibrad ah u ciyaarayaan xulka England marka loo bar-bar dhigo xulalka kale.

“Waxan aan rumaysanahay in aan horay u sheegay in ay qaar ka mid ah Group-yada ku jiraan qaab ciyaareed fiican”ayuu Southgate yidhi.

“Marka la eego qaab ciyaareed Italy ee 28 ilaa 30-ka kulan ee guul daro la’aanta ah, waxa aan sidoo kale wada ognahay waxa ay xulalka France iyo Portugal gaadheen sanadihii ugu dambeeyay, xulka Belguim waa xulka ugu qiimaynta horeeya adduunka waxana ay xiddigaha iyo tababaruhu wada shaqayneen muddo 4 sano ah”.

“Si aan ugu dayano xulalkaas waa in aan marba talaabo qaadno horumar ah, haatan waa in aan wareega xiga u gudubno”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE