Qaabka Uu Sergio Aguero Ugu Qancinayo Lionel Messi In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Barcelona Oo La Kashifay.

Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa rajeynaya in Lionel Messi uu go’aan ka gaari doono mustaqbalkiisa kooxda ‘sida ugu dhaqsaha badan’ wuxuuna shaaca ka qaaday in Sergio Aguero uu ka caawinayo dadaalkooda.

Heshiiska Lionel Messi ee Barcelona ayaa dhici doona dhamaadka bishan Waxana uu Laprta isku dayayaa in uu heshiis cusub ka saxiixdo xiddiga reer Argentina.

Laporta ayaa kalsooni ku qaba in xiddiga lixda jeer ku guuleystay Ballon d’Or uu mustaqbalkiisa u hibeyn doono kooxda, waxaana uu qirtay in saxiixa cusub Aguero uu isku dayayo inuu ku qanciyo saaxiibkiis inuu sii joogo.

Madaxweynaha ayaa u sheegay La Vanguardia: ‘Waxaan jeclaan lahaa in Messi uu noo sheego’ haa ‘sida ugu dhakhsaha badan. wax badan ayay naga caawin lahayd”.

“Aguero ayaana naga caawinaya arintaas, waxa uu maalin walba u sheegaa in uu Nala sii joogo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Qof Ku Jecel Mise Qof Aad Jeceshahay? Qofkee Ayaad Dooranaysaa + Sababta


Source: laacibfm

SHARE