RASMI: Kulanka Ugu Horeeya Ee Wareega 16-ka Euro 2020 Oo La Ogaaday.

Waxa wali socda kulamadii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada tartanka Euro 2020 laakiin waxa haatan la xaiijiyay kulanka ugu horeeya ee wareega 16-ka tartanka Euro 2020.

Xulka Austria ayaa si lama filaan ah ugu baxay wareega 16-ka kadib markii ay guul lama filaan ah ka gaadheen xulka Ukraine kaas oo ka mid ahaa xulalka ugu cad-cad in ay wareega xiga gaadhaan.

Xulka Austria ayaa la ciyaari doona xulka Italy kaas oo u soo baxay kaalinta 1-aad ee Group-kooda waxana ay labadaas xul noqdeen labada xul ee haatanba la ogaaday in ay iska ciyaari doonaan wareega xiga.

Kulanka ayaa soo dhici doona Sabtida iyada oo ay ciyaartu soo gali doonto 10:00 Habeenimo wakhtiga Somaliya iyada oo labada xul isha ku hayaan wareega 8 Dhamaadka tartanka Euro 2020.

Sii Akhriso: Qof Ku Jecel Mise Qof Aad Jeceshahay? Qofkee Ayaad Dooranaysaa + Sababta


Source: laacibfm

SHARE