Xiddig U Ciyaara Xulka France Oo Uu Soo Dhamaaday Ka Qayb Galkiisa Tartanka Euro 2020, Sabab.

Xulka qaranka France ayaa la kulmay dhirbaaxo xun kadib markii la xaqiijiyay in uu xiddiga Ousmane Dembélé dhaawac ku seegi doono inta ka dhiman tartanka Euro 2020 kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Hungary ee ugu dambeeyay.

Ousmane Dembélé ayaa badal ku soo galay qaybta dambe ee kulankaas laakiin waxa la badalay daqiiqadii 87-aad kadib markii uu xanuun ka dareemay jilibka.

Waxa jiray warar sheegayay in uu Ousmane Dembélé garoomada ka maqnaan doono muddo todobaad ah kadib diyaar u noqon doono kulanka Portugal ee Arbacada laakiin warar cusub ayaa ka soo baxay xaalada xiddiga.

Wargayska L’Équipe ayaa sheegaya in uu dhaawaca Dembele ka halisanyahay sidii la filayay waliba garoomada ka maqnaan doono muddo 3 todobaad ah taas oo la macno ah in uu seegi doono tartanka Euro 2020 inta ka dhiman.

Isla wargayska Munod Deportivo ayaa sheegaya in uu xitaa dhaawaca soo gaadhay xiddigu saamayn ku yeelan doono mustaqbalkiisa kooxda Barcelona gaar ahaan in uuna wali heshiis cusub u saxiixin kooxda.

Sii Akhriso: Qof Ku Jecel Mise Qof Aad Jeceshahay? Qofkee Ayaad Dooranaysaa + Sababta


Source: laacibfm

SHARE