YAAB: Cristiano Ronaldo Oo Ah Madaxweynaha 4-aad Ee Dawlada Ugu Weyn Adduunka, Qaab Noocee Ah?

Xiddiga xulka Portugal iyo Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddig ku horeeya meel walba hadii ay noqoto kubada cagta ama bogagiisa baraha bulshada.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddiga 1-aad ee baraha bulshada waxana uu dhawaan kor u dhaacay dadka ku xidhan bogiisa 300 oo milyan oo qof bogiisa Instagram-ka.

Kaliya Bogiisa Instagram Uu ku leeyahay ayaa ka badan xiddigo badan oo kubada cagta ah waliba marka qaarkood la isku daro bogagooda.

Dadka ku xidhan Bogga Instagram-Ka ee Cristiano Ronaldo ayaa ka badan dadka ku nool inta badan dalalka adduunka ka jira iyada oo ay kaliya 3 dal ka badan yihiin dadka ku xidhan bogga Instagram-ka ee Ronaldo.

Dalalka Shiinaha, India iyo America ayaa ah kaliya 3-da dal ee ka badan taageerayaasha ku xidhan bogga Instagram-ka ee Cristiano Ronaldo taas oo ka dhigaysa madaxweynaha 4-aad ee dawlada ugu weyn adduunka.

Sii Akhriso: Qof Ku Jecel Mise Qof Aad Jeceshahay? Qofkee Ayaad Dooranaysaa + Sababta


Source: laacibfm

SHARE