5 Xul Oo U Gudbay Wareega 16-ka Euro 2020 Iyaga Oo Aan Xitaa Wax Kulan Ah Ciyaarin.

Waxa jira 5 xul oo u gudbi doona wareega 16-ka iyaga oo aan xitaa ciyaarin kulankooda 3-aad ee ugu dambeeya wareega Group-yada tartanka Euro 2020.

Xulalka France, England, the Czech Republic, Sweden and Switzerland ayaa dhamaantood xaqiiqsaday booskooda xiga sababta oo ah waxa ay haystaan 4 dhibcood waxana ay ku dhamaysan doonaan Group-yada iyaga oo ka fiican xulalka la Group-ka ah ee ku jira kaalinta 3-aad.

Natiijooyinkii Group B iyo C ayaa xulalka Finland iyo Ukraine kaga tagay kaalinta 3-aad iyaga oo leh 3 dhibcood taas oo la macno ah in xulka 4-ta dhibcood leh ay u soo bixi doonaan wareega xiga.

Si kasta ha ahaatee xulalka Finland iyo Ukraine ayaan wali ka hadhin tartanka Euro 2020 waxana ay sugi doonaan Natiijooyinka Group D iyo E si ay u ogaadaan nasiibkooda.


Source: laacibfm

SHARE