Arsenal Oo Doonaysa Saxiixa Philippe Coutinho Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.

Barcelona’s Brazilian midfielder Philippe Coutinho runs during the Spanish League football match between FC Barcelona and Levante UD at the Camp Nou stadium in Barcelona on April 27, 2019. (Photo by PAU BARRENA / AFP) (Photo credit should read PAU BARRENA/AFP/Getty Images)

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho sida ay shegayaan wararku.

Arsenal ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay qaab amaah a ugu dhaqaaqdo saxiixa xidiga reer Brazil inta lagu jiro suuqa kala iibsiga si ay ugu xoojiso khadka dhexe xilli ciyaareedka cusub.

Laakiin Arsenal ayaa Ha shardi ku xidhay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Brazil ee ku dhibaatoonaya dhaawacyada bilihii ugu dambeeyay.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Arsenal diyaar u tahay in ay dalab Rasmi ah oo amaah ah ka gudbiso saxiixa xiddiga Philippe Coutinho si ay u hesho saxiixiisa laakiin waa hadii uu muujiyo taam ahaanshihiisa.

Philippe Coutinho ayaa ku dhibaatoonayay dhaawac xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo kaliya 14 kulan u ciyaaray La Liga xilli ciyaareedkii dhamaaday haatana ka soo kabsanaya dhaawacaas.


Source: laacibfm

SHARE