Arsenal Oo William Saliba U Ogolaanaysa In Uu Ku Biiro Premier League

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay amaah ku dirto xiddiga daafaca uga ciyaara ee William Saliba xilli ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah suuqa xagaagan.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa Arsenal kaga soo biiray kooxda St Etienne sanadkii 2019 iyaga oo ka soo bixiyay 27 milyan oo euro laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda 1-aad.

Arintaas ayaa keentay in Saliba Amaah loogu diro kooxda Nice qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Mikel Arteta ayaa haatan ka fikiraya in uu Saliba Amaah ugu diro koox premier League xilli ciyaareedkan.

Newcastle United ayaa la rumeysan yahay inay xiiseyneyso xiddiga reer France halka ay sidoo kale xiiso u qabaan kooxo kale oo premier League.


Source: laacibfm

SHARE