DEG-DEG: Ousmane Dembele Oo Qaliin Jilibka Ah Maray & Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo Naxdin ku Riday Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa la kulantay dhirbaaxo kadib markii uu qaliin maray xiddigu kadib markii uu ku dhaawacmay tartanka Euro 2020 oo uu kala qayb qaadanayay xulka qarankiisa France.

Xiddiga Ousmane Dembele ayaa wax 25 daqiiqo ka yar ciyaaray kulankii uu xulka France bar-baraha la galay xulka Hungary kulan ka tirsanaa Tartanka Euro 2020 isaga oo dhaawac uga baxay kulanka kadib markii uu badal ku soo galay qaybtii dambe.

Kooxda Barcelona ayaa haatan xaqiijisay in uu xiddiga Ousmane Dembele maray qaliin jilibka ah kadib markii uu ku laabtay Barcelona waliba baadhitaan lagu sameeyay xiddiga.

Wargayska L’ÉQUIPE ayaa haatan sheegaya in lagu guulaystay qaliinkii lagu sameeyay xiddiga kadib dhaawacii soo gaadhay kulankii Hungary ee tartanka Euro 2020.

Isla wargayska ayaa sheegay in uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono muddo 4 bilood ah kadib markii qaliin lagu sameeyay xiddiga reer France.


Source: laacibfm

SHARE