DEG-DEG: Xulka Qaranka England Oo Xaqiijiyay Laba Xiddig Oo Laba Kulan Seegi Doona Tartanka Euro 2020.

Xidhiidhka FA-ga ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in ay xiddigaha Mason Mount & Ben Chilwell seegi doonaan ugu yaraan 2 kulan kadib markii ay galeen 10 maalin oo Karantiil ah sabab la xidhiidha in ay xidhiidh dhaw la sameeyeen xiddiga xulka Qaranka Scotland ee Billy Gilmour kaas oo laga helay xanuunka Korona.

Labada xiddig ee Mason Mount & Ben Chilwell ayaa seegi doona kulanka Czech Republic ee tartanka Euro 2020 iyo waliba wareega xiga ee tartanka marka ay u soo baxaan wareega 16-ka.

Bayaan ka soo baxay England ayaa u qornaa sidan: “Waxaan xaqiijin karnaa in Ben Chilwell iyo Mason Mount ay qasab ku tahay inay galaan karantiil tan ilaa Isniinta dambe kuna beegan 28 bisha June, waxana go’aankan la qaatay kadib markii lala tashaday shaqaalaha caafimaadka England”.

“Labada xiddig ayaa xidhiidh dhaw la sameeyay xiddiga Scotland ee Billy Gilmour kaas oo laga helay xanuunka Korona kadib kulankii Jimcihii la soo dhaafay”.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah xulka England oo ay labada xiddig muhiim u ahaayeen kulamadii ilaa haatan ay ciyaareen tartanka Euro 2020


Source: laacibfm

SHARE