Lionel Messi Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Laga Dhigay Xulka Argentina.

Halyeeyga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa barbareeyay rikoorkii Javier Mascherano ee 147 kulan uu u ciyaaray xulka qarankiisa kulankii Copa America ee ay ka badiyeen Paraguay.

Messi ayaa ku bilowday shaxda Argentine waxana uu xulkiisa ku hogaamiyay guul 1/0 ah iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Aljandro Gomez kaas oo goolka dhaliyay daqiiqadii 10-aad ee ciyaarta.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa haatan bar-bareeyay rikoodhkii Mascherano ee safashada kulamada ugu badan isaga oo rikoodhkaas jabin doona kulanka Bolivia ee salaasada dambe.

Xiddiga Lionel Messi waligiid xulka Argentina kulama guulaysan koobka Copa America inkasta oo uu lix jeer ku guuleystay Ballon d’Or isla markaana uu koobab badan la soo qaatay Barcelona.

Tan iyo markii uu kulankiisii ​​ugu horreeyay u saftay xulka Argentina 2005, Messi wuxuu u dhaliyay 73 gool 147 kulan oo uu saftay.


Source: laacibfm

SHARE