Liverpool Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbinaysa Xiddig Uu Klopp U Doonayo Badalka Wijnaldum.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay dalab Rasmi ah ka gudbiso xiddiga khadka dhexe ee kooxda Borussia Mönchengladbach ee Florian Neuhaus kaas oo la go’aamin doono mustaqbalkiisa.

Saxafiga Florian Plettenberg ayaa Markii ugu horasay wargayska Sport1 u sheegay in uu Jurgen Klopp doonayo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Florian Neuhaus kadib markii uu wadahadalo la qaatay xiddiga todobaadkii hore.

“Liverpool waxa ay aad u doonaysaa xiddiga khadka dhexe waxana la filayaa in ay dalab Rasmi ah ka gudbiso saxiixiisa”ayuu saxafiga Florian Plettenberg yidhi.

Isla saxafiga Florian Plettenberg ayaa sheegay in mustaqbalka xiddiga khadka dhexe go’aan laga gaadhi doono kadib dhamaadka tartanka Euro 2020 bisha soo socota.

Klopp ayaa xiddiga ay isku dalka yihiin u arak badalka Wijnadlum kaas oo kooxda ka tagay kuna biiray kooxda PSG kadib markii uu heshiis cusub la gaadhi waayay kooxda.


Source: laacibfm

SHARE