RASMI: Man United Oo Shaacisay Kulamada Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub, 4 Kulan Ayay Ciyaari Doonaan

Manchester United ayaa ku dhawaaqday afar kulan oo saaxiibtinimo oo isku diyaarin u ah xilli ciyaareedka cusub ee 2021/2022.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer iyo shaqaalihiisa tababaraha ayaa ku soo laaban doona tababarka ka hor inta ayna kooxdu kulanka ugu horeeya la ciyaarin kooxda Derby County oo uu hogaamiyo Halyeeyga kooxda ee wayne Roone kulankaas ayaan la ciyaari doonaa 18 bisha July.

Kadib kooxda ayaa gali doonta todobaad tababar ah ka hor inta ayna la ciyaarin kooxda QPR kulan dhici doona 24 bisha Kuly ka hor inta ayna la ciyaarin kooxda Premier League ku cusub ee Brentford 28 bisha July iyaga oo kadib la ciyaari doona Everton 7 bisha August.

Kooxda Man United ayaa kadib bilaaban doonta xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League iyaga oo la ciyaari doona kooxda kooxda Leeds United kulankooda ugu horeeya kaas oo dhici doona 14 bisha August.

Kooxda Man United ayaa dhamaan kulamadeeda ku ciyaari doonta UK Dhexdiisa maadama ayna bixi doonin safaradii caadada u ahaa kulamada isku diyaarinta.


Source: laacibfm

SHARE