DEG-DEG: Man United Oo Ugu Dambayn Ogolaatay In Ay Bixiso Lacagta Ay Dortmund Ku Iibinayso Jadon Sancho.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ugu dambeyntii ogolaatay inay bixiso lacagta ay Borussia Dortmund doonayso ee 77 milyan si ay u iibiso xiddiga Jadon Sancho.

Xiddiga reer England ee 9-ka daqiiqo ciyaaray tartanka Euro 2020 ayay Man United dalab 75 milyan ah ka gudbisay todobaadkii hore.

Laakiin Dortmund ayaa isla markiiba diiday dalabkaas iyaga oo u sheegay in ay bixiyaan lacag dhan 77 milyan oo euro hadii ay doonayaan xiddiga 21 jirka ah.

Sida laga soo xigtay BILD, United ayaa haatan dib ugula laabatay Dortmund dalab cusub kaas oo ah lacagta ay Dortmund doonayso waxana laga yaabaa in heshiiska la soo afjaro maalmaha soo socda.

77-ka Milyan ayaa Jadon Sancho ka dhigaysa saxiixa 3-aad ee ugu qaalisan Man United isaga oo ka dambeeya xiddigaha Paul Pogba iyo Harry Maguire.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Faa’iidada Ugu Weyn Ee Kulanka Sariirta Oo Daraasad Lagu Ogaaday.


Source: laacibfm

SHARE