Pau Torres Oo Man United Fariin Uga Diray Mustaqbalkiisa.

Pau Torres ayaa sheegay inuu gabi ahaanba ka degenyahay wararka la xidhiidhinaya kooxda Man United inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga 24 jirka ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore waxana lala xidhiidhinayaa kooxda Man United.

Si kasta ha ahaatee xiddiga daafaca ka ciyaara oo haatan xulka qarankiisa Spain u matalaya koobka Euro 2020 ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay Villarreal waliba doonayo in uu kooxda la joogo xilli ciyaareedka dambe.

“Haatan waxa aan diirada saarayaa euro-da, kadib UEFA Super Cup-ka iyo waxyaabaha fiican ee soo socda, gabi ahaan anigu waan daganahay”ayuu Torres u sheegay Goal.

“Waxa aan ku noolahay magaaladayda, waxana aan ku faraxsanahay kooxda Villarreal”ayuu sii raaciyay”.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Faa’iidada Ugu Weyn Ee Kulanka Sariirta Oo Daraasad Lagu Ogaaday.


Source: laacibfm

SHARE