RASMI: Germany Vs England, Belguim Vs Portugal & Isku Aadka Wareega 16-ka Euro 2020 Oo La Shaaciyay.

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday wareega Group-yada tartanka Euro 2020 kaas oo la soo ciyaaray 3 kulan oo xiiso lahaa waliba si weyn ugu raaxaysteen taageerayaasha kubada cagta.

Waxa tartanka isugu soo hadhay 16 xul kuwaas oo u tartami doona u soo bixista wareega 8 dhamaaadka tartanka Euro 2020 marka ay ciyaaraan kulamada maalmaha soo socda.

Isku aadka wareega 16-ka waxa ka soo baxay kulamo xiiso leh oo si gaar ah loola socon doono marka ay soo gali doonaan maadama ay iska hor iman doonaan xulalka ugu waaweyn.

Kulamada sida gaarka ah isha loogu hayn doono ayaa kala ah kulamada u dhexayn doona xulalka England Vs Germany iyo Belguim Vs Portugal.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo isku aadka oo dhamaystiran:

Wales Vs Denmark

Italy Vs Austria

Netherlands Vs Czech Republic

Belguim Vs Portugal

Croatia Vs Spain

France Vs Switzerland

England Vs Germany

Sweden Vs Ukraine

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Faa’iidada Ugu Weyn Ee Kulanka Sariirta Oo Daraasad Lagu Ogaaday.


Source: laacibfm

SHARE