Robert Lewandowski Oo Ku Soo Wajahan Premier League, Kooxdee Doonaysa?

Xiddiga weerarka uga ciyaara Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u noqday kooxda chelsea.

Blues ayaa raadinaysa weeraryahan cusub suuqa xagaaga waxana lala xidhiidhinayaa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

Laakiin Chelsea ayaa isaga hadhay baacsiga Haaland sabab la xidhiidha lacagta badan ee ay dalbanayso kooxda reer Germany waxana ay haatan qorshaynaysaa in ay u dhaqaaqdo xiddigo kale.

Warayska Sport1 ayaa sheegaya in uu xiddiga Robert Lewandowski bartilmaameed u noqday kooxda ku guulaystay Champions League xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo dhaliyay 48 gool 40 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Faa’iidada Ugu Weyn Ee Kulanka Sariirta Oo Daraasad Lagu Ogaaday.


Source: laacibfm

SHARE