Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Xulalka France & Portugal Oo La Soo Saaray Ka Hor Kulankodoa Caawa.

Kulanka Dhimashada ee Group D ayaa lagu kala bixi doonaa caawa iyada oo la soo afjari doono wareega Group-yada ee tartanka Euro 2020.

Xulalka France iyo Portugal ayaa isaga hor iman doona kulan ku celis u ah Final-kii 2016 ee uu xulka Portugal ku guulaystay koobka kadib markii ay 1/0 ku garaaceen xulka France.

Laakiin kulankan xulka Portugal ayaa guul u baahan hadii uu doonayo in uu u gudbo wareega xiga ee tartanka Euro 2020 kadib guuldaradii ka soo gaadhay Germany kulankii hore.

Labada xul ee France iyo Portugal ayaa ku hubaysan xiddigo kuwaas oo la odhan karo waxa ay ka mid yihiin kuwa ugu fiican xiddigaha ka qayb qaadanaya tartanka Euro 2020.

Wargayska Daily Mail ayaa soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada xul ka hor kulankooda caawa soo gali doona ee ugu dambeeya wareega Group-yada tartanka.

Xulka France ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 7 xiddig halka xulka Portugal ku leeyahay kaliya 4 xiddig.

Sportsmail's combined Portugal and France starting XI, using 4-3-3 formation, ahead of clash

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Faa’iidada Ugu Weyn Ee Kulanka Sariirta Oo Daraasad Lagu Ogaaday.


Source: laacibfm

SHARE