Achraf Hakimi Oo U Duulay Magaalada Kooxda Uu Ku Biirayo Si Uu U Dhamaystiro Heshiiska, PSG Mise Chelsea?

Xiddiga Inter Milan ee Achraf Hakimi ayaa qarka u saaran in uu ku biiro kooxda PSG sida ay sheegayaan Wararku iyada oo uu xiddiga daafaca ka ciyaara u duulay Maagalada Paris si uu tijaabada caafimaadka.

Xiddiga Achraf Hakimi ayaa doortay in uu ku biiro kooxda PSG isaga oo iska diiday kooxda chelsea kuwaas oo si aad ah u doonayay saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiyaan booska daafaca xilli ciyaareedka dambe.

Saxafiga Matte Meratto ayaa haatan sheegaya in uu xiddiga reer Morocco doortay in uu ku biiro kooxda PSG halka uu u dhaqaaqi lahaa kooxda chelsea ee ku guulaystay champions League.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in uu xiddiga Achraf Hakimi maanta u duulayo Paris si uu u dhamaystiro ku biiristiisa kooxda PSG tijaabada caafimaadkana ugu maro kooxda PSG.


Source: laacibfm

SHARE