Donny van de Beek Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Kadib Xiisihii Arsenal.

Xiddiga khadka dhexe ee ee Donny van de Beek ayaa doonaya inuu ku sii nagaado Premier League kadib xiisihii uu ka helay kooxda Arsenal hadii uu ka tago Manchester United xagaagan, sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Netherland ayaa ku dhibaatooday Old Trafford xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Kooxda isaga oo kaliya ku bilowday 15 kulan oo kaliya premier League.

Van de Beek ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Man Unied iyada oo Arsenal xiiso dhab ah u qabto xiddiga reer Netherland si ay fursad u siiso xiddiga.

Kooxda Inter Milan ayaa sidoo kale xiiso u qabta saxiixa xiddiga laakiin FcInterNews ayaa sheegay in uu xiddiga reer Netherland doonayo in uu ku biiro Arsenal si uu u sii jooo premer League.


Source: laacibfm

SHARE