Gary Neville Oo Doortay Shaxda Uu Ay Tahay In Uu Xulka England Kaga Hor Tago Germany Wareega 16-ka.

Halyeeyga xulka England Gary Neville ayaa tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate u sheegay in uu is badal weyn ku sameeyo shaxda uu kaga hor tagi doono xulka Germany ee wareega 16-ka Euro 2020.

Xulka saddexda libaax ayaa xalay ogaaday in ay la ciyaari doonaan xulka Germany kulankooda wareega 16-ka tartanka Euro 2020 kadib markii la soo afajray wareega Group-yada tartanka.

Gary Neville ayaana doortay shaxda ay tahay in uu xulka England kaga hor tago xulka Germany kaas oo noqon doona kulan xiiso leh marka loo eego magaca weyn ee labada xul.

Neville ayaa shaxdiisa ka saaray xiddiga Grealish inkasta oo uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankii Czech Repablic sababna u ahaa goolkii uu dhaliyay xulka England.

Sidoo kale Neville ayaa shaxdiisa ka saaray xiddiga Phil Foden kaas oo kaydka fadhiyay kulankii Czech Repablic ee ugu dambeeyay wareega Group-yada tartanka isaga oo ka doorbiday xiddigaha Saka iyo Philips.

Gary Neville has left Jack Grealish out of his England starting XI to face Germany


Source: laacibfm

SHARE