Inter Milan Oo Barcelona Ka Doonaysa Saxiixa Jordi Alba & Qorshe Ayna Barca Diidi Karin Oo Ay Ul Tagtay.

Inter Milan ayaa isku diyaarineysa dalab ay ku dooneyso xiddiga garabka daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Jordi Alba si ay ugala soo saxiixato xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Inter Milan ayaa wayday xiddiga Ashley Young kaas oo ku biiray kooxda Aston Villa waxana ay isku diyaarinaysaa in ay u dhaqaaqdo badalkiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa Jordi Alba Kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda Barcelona.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan isku diyaarinayso in ay 3 xiddig midkood ku darto heshiiska ay ku doonayso Jordi Alba si ay uga hesho saxiixiisa kooxda Barcelona.

Xiddigaha Milan Škriniar, Marcelo Brozović Iyo Lautaro Martínez ayaa ah xiddigaha ay Kooxda Inter Milan doonayso in ay ka qayb dhigto heshiiska ay ku doonayso xiddiga Jordi Alba.


Source: laacibfm

SHARE