Liverpool Oo Wadahadalo La Furtay Kooxda Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Tartanka Euro 2020.

Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo Rasmi ah la furtay kooxda PSV ee Donyell Malen kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga Donyell Malen ayaa lagu naanaysaa “Mohamed Salah-ha cusub” waxana uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay tartanka Euro 2020 oo uu kala qayb galayo tartanka Euro 2020.

Liverpool ayaa Donyell Malen u doonaysa in ay ku xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe xilli uu Klopp isku diyaarinayo in uu dib u dhis ku sameeyo kooxdiisa.

Xiddiga Donyell Malen oo horay ugu soo ciyaaray kooxda Arsenal ayaa la qaab ciyaareed ah xiddiga Roberto Firmino waxana uu ka ciyaari karaa boosaska weerarka iyo waliba khadka dhexe ee weerarka.

Shabakada Sky Germany ayaa sheeaysa in ay kooxda Liverpool wadahadalo la furtay kooxda PSV iyo waliba xiddiga laftiisa si ay heshiiska shaqsiga ah la gaadhaan


Source: laacibfm

SHARE