Messi, Kane, Rodriguez, Ramos, Hakimi & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaan wali wax go’aan ah ka gaadhin mustaqbalkiisa kooxda Xilli ahl todobaad ka dhimanyahay heshiiskiisa kooxda Barcelona (Marca).

Kooxda Man City ayaa diyaar u ah in ay hal sano sugto in ay la soo saxiixato weeraryahan cusub hadii ay xagaagan ku fashilanto saxiixa xiddiga Harry Kane (ESPN).

Wakiilka James Rodriguez ayaa wadahadalo la qaatay kooxaha Real Madrid, Atletico Madrid, AC Milan & Napoli Xilli uu xiddigu isaga tagayo kooxda Everton xagaagan (Mail).

Kooxda Real Madrid ayaa Arsenal ku cidhiidhinaysa baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Real Sociedad ee Alexander Isak (AS).

Kooxda PSG ayaa wadahadalo kula jirta xiddiga Sergio Ramos kaas oo uu dhacay heshiiska kooxda Real Madrid (Goal).

Kooxda PSG ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Achraf Hakimi kaas oo u duulay Paris si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda PSG (ESPN).

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa bartilmaameed ka dhigtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Aston Villa ee John McGinn (The Athletic).

Kooxda Arsenal ayaa si toos ah isaga iibin doonto xiddiga daafaca uga ciyaara ee William Saliba inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga (football.london).

Tababare Carlo Ancelotti ayaa fursad siin doona xiddiga Gareth Bale si uu u badbaadiyo mustaqbalkisia Real Madrid (Sun).

Kooxda Man United ayaa la filayaa ay dhamaystirto saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Borussia Dortmund ee Jadon Sancho (Times).

Wakiilka Xiddiga Aaron Ramsey ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu Xiddigu ku soo laabanayo Arsenal xagaagan (Sun).


Source: laacibfm

SHARE