ShaxdaUEFA Oo Soo Saartay Shaxdii Ugu Fiicnayd Tartanka Euro 2020 Wareega Group-yada.

Waxa la soo afjaray wareega Group-yada tartanka euro 2020 iyada oo ay 16 kooxood u soo bexeen wareega xiga ee tartanka kadib markii ay soo xidhmeen wareega Group-yada.

Kadib dhamaadka wareega Group-yada waxa la soo saaray shaxda ugu fiican tartanka Wareegii Group-yada iyada oo la soo xushay xiddigii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Xulka Netherlands ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig kuwaas oo xulkooda ka caawiyay in ay dhamaan badiyaan 3-dii kulan ee wareega Group-yada.

Dhanka kale xulalka Italy, Spain, Belguim, Ukraine, Switzerland, Sweden, Czech Republic iyo Portugal ayaa dhankooda shaxda ku leh min hal xiddig.

Goolhayaha

Gianluigi Donnarumma (Italy) – 18 points

Daafaca

Denzel Dumfries (Netherlands) – 22 points
Aymeric Laporte (Spain) – 20 points
Thomas Meunier (Belgium) – 18 points

Khadka Dhexe

Andriy Yarmolenko (Ukraine) – 20 points
Georginio Wijnaldum (Netherlands) – 23 points
Xherdan Shaqiri (Switzerland) – 21 points
Emil Forsberg (Sweden) – 23 points

Weerarka

Patrik Schick (Czech Republic) – 21 points
Cristiano Ronaldo (Portugal) – 29 points
Memphis Depay (Netherlands) – 20 points


Source: laacibfm

SHARE