Wakhtiga Ay Man United Ku Dhawaaqi Doonto Saxiixa Jadon Sancho Oo La Ogaaday.

Kooxd Man United ayaa ugu damayn ku dhaw saxiixa xiddiga Jadon Sancho sida ay sheegayaan wararku iyada oo kooxdu ku dhawaaqi karta saxiixa xiddiga Todobaadka dambe.

United ayaa kor u qaaday xiisaha ay u qabto saxiixa xiddiga kadib markii ay ku fashilantay saxiixiisa xagaagii hore waxana ay haatan ku dhawdahay in ay Dortmund kala heshiiso qiimaha xiddiga oo kor u dhaafaysa 75 milyan oo euro.

Labada kooxood ee Man United iyo Dortmund ayaa ku jira heerkii ugu dambeeyay wadahalada heshiiska kadib markii ay Man United ogolaatay in ay bixiso lacagta ay Dortmund ku qiimayso xiddiga garabka ka ciyaara.

Sancho ayaa haatanba ogolaaday heshiiska shaqsiga ah ee Man United waxana uu noqon doonaa xiddiga ugu mushaharka badan isaga oo todobaadkii mushahar ahaan u qaadan doona 350 kun oo Gini todobaadkii.

Wargayska Metro ayaa sheegaya in ay kooxda Man United todobaadka dambe ku dhawaaqi doonto saxiixa xiddiga isaga oo noqon doona saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Man United xagaaan.


Source: laacibfm

SHARE