DEG-DEG: Arsenal Oo Heshiis Wakhti Fog Ka Saxiixatay Kieran Tierney

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub oo wakhti dheer ah ka saxiixatay xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ee Kieran Tierney.

Kieran Tierney Ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Arsenal isaga oo qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kooxda kula joogi doono muddada soo socota.

Xiddiga Kieran Tierney ayaa Arsenal ku soo biiray xagaagii 2019 waxana uu kooxda u ciyaaray 62 kulan tartamada oo dhan isaga oo muhiim ka noqday kooxda 1-aad.

Xddiga 24 jirka ah ayaa kooxda kula guulaystay tartanka FA Cup-ka waxana uu waliba door ka qaatay goolkii ay Chelsea kaga qaaday koobka FA Cup-ka.

Kieran Tierney ayaa ka sii qayb ahaan doona kooxda Arsenal sanadaha soo socda kadib markii uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu ku joogi doono Emirates.


Source: laacibfm

SHARE