Goolasha Laga Dhaliyay Wareega Group-yada tartanka Euro 2020 & Xulalka Goolasha Ugu Badan Laga Dhaliyay

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday wareega Group-yada tartanka Euro 2020 iyada oo haatan la isku diyaarinayo kulamada wareega bug baxa oo bilaaban doona maalinta sabtida.

Kulamadii Wareega Group-yada ayaa laga dhaliyay goolal badan oo ay xiddigo badan dhaliyeen kuwaas oo xulalkooda kaga caawiyay in ay gaadhaan guulo muhiim ah.

Wareegii Group-yada tartanka Euro 2020 ayaa la ciyaaray 36 kulan oo ay ciyaareen dhamaan xulalkii ka qayb galayay tartanka Euro 2020.

Tartanka Euro 2020 ayaa laga dhaliyay wareegii Group-yada 90 gool oo ay kala qaybsadeen xulalkii ka ciyaarayay tartanka Euro 2020 wareegii Group-yada.

8 ka mid goolashaas waxa ay ahaayeen ku si khaldan la isaga dhaliyay iyaga oo xiddigo goolashooda si khaldan ugu taabtay.

Xulka Netherlands ayaa dhaliyay goolasha ugu badan iyaga oo dhaliyay 8 gool halka xulalka Italy, Portugal iyo Belguim ay wada dhaliyeen 7 gool.

Xulalka Germany iyo Spain ayaa dhankooda dhaliyay min 6 gool halka xulka Denmark dhaliyay 5 gool, xulalka Austria, Sweden, Ukraine, Croatia, France, Poland & Switzerland ayaa dhankooda dhaliyay min 4 gool.

Xulka Wales ayaa dhaliyay 3 gool halka xulka England dhaliyay 2 gool iyo xulka Scotland oo dhaliyay hal gool iyada oo xulka Spain noqday xulka hal kulan dhaliyay goolasha ugu badan isaga oo dhaliyay 5 gool.


Source: laacibfm

SHARE