Halka Uu Ben White Ka Gali Karo Shaxda Arsenal Xilli Ay Gunners Ku Dhawdahay Saxiixiisa

Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Brighton ee Ben White kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan daafaca dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Gunners ayaa dalab 45 milyan oo euro iyo waliba 5 milyan oo Guno ah ka gudbisay saxiixa xiddiga reer England kadib markii ay Brighton horay uga diiday dalab dhan 40 milyan oo euro.

Kooxda Arsenal ayaa la filayaa in ay Ben White ka dhigto saxiixoodo ugu horeeya ee suuqa xagaagan iyaga oo haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga.

Kooxda Mikel Arteta ayaa la filayaa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga kadib markii uu xiddigu dhamaysto tartanka Euro 2020 oo uu kala qayb qaadanayo xulka qaranka England.

blog_image


Source: laacibfm

SHARE