Man City Oo Go’aamisay Wakhtiga Ay U Dhaqaaqi Doonto Saxiixa Harry Kane.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay Sugto helitaanka xiddiga Harry kane ilaa xagaaga dambe si ay u hesho saxiixiisa sida ay sheegayaan wararku.

Kabtanka reer England ayaa la sheegayaa in uu maamulka Tottenham u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Tottenham inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Laakiin Agaasimaha ciyaaraha Tottenham ee Daniel Levy ayaa diidan in uu xiddiga u ogolaado in uu ka tago kooxda hadii ayna helin kooxdu dalab ka yar 150 milyan oo euro.

Sida laga soo xigtay ESPN, City ayaa diyaar u ah kuna faraxsan in ay saxiixa xiddiga sugto muddo sanad ah si ay u helaan saxiixiisa hadii ay xagaagan ku fashilmaan in ay helaan saxiixiisa.

Harry Kane ayuu 3 sano uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda Tottenmham, kooxda reer Lonodn ayaan haatan joogta meel xoogan waliba aan lacag yar ku fasixi karin xiddiga reer England.


Source: laacibfm

SHARE