Real Madrid Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Marcelo

Daafaca bidix ee Real Madrid Marcelo ayaa lagu soo waramayaa inuu la sii joogayo kooxda reer Spain Xilli ciyaareedka 2021-22.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa Real Madrid joogay tan ilaa sanadkii 2017 waxana uu heshiiskiisa kooxda ee haatan dhici doonaa xagaaga 2022 waxana la rumaysanyahay in uuna wadahadalo heshiis cusub ah la furin kooxda.

Sida laga soo xigtay suxufiga Fabrizio Romano, Real weligeed kuma fikirin inay iibiso Marcelo, waxaana haatan loo arkaa inuu yahay Xiddig muhim ah tababaraha cusub Carlo Ancelotti.

Wararka ayaa sheegaya in xiddiga reer Brazil laga dhigi doono kabtanka cusub ee kooxda kadib bixitaankii Sergio Ramos.

Marcelo ayaa xilli ciyaareedkii hore booskiisa u waayay xiddiga Ferland Mendy kaas oo ciyaaray inta badan kulamada kooxda tartamada oo dhan.


Source: laacibfm

SHARE