Wargayska Daily Mail Oo Soo Xushay Shaxda Ugu Fiican Wareea Group-yada Tartanka Euro 2020.

Waxa dhamaaday kulamadii wareega Group-yada tartanka Euro 2020 iyada oo ay 8 kooxood boorsooyinkooda ka qaateen tartanka xilli ay 16 kooxood isku diyarinayaan in ay ku dagalamaan wareega 8 dhamaadka tartanka.

Xulalka Italy, Netherland iyo Belguim ayaa ah kooxaha ugu fiican iyaga oo dhamaantood wada badiyay kulamadii wareega Group-yada tartanka Euro 2020 si xarago leh-na isaga xaadiriyaan.

Xulalka England, France, Germany iyo Portugal ayaa sidoo kale iska xaadiriyay wareega xiga kadib qaab ciyaareed fiican oo ay soo bandhigeen kulamadii wareega Group-yada.

Wargayska Daily Mail ayaa soo xushay shaxda ugu fiican wareega Group-yada tartanka Euro 2020 iyaga oo soo qaatay xiddigihii qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulamadii wareega Group-yada.

Xulka Italy ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig halka uu xulka Holland ku leeyahay shaxda 2 xiddig kadib qaab ciyaareed cajiib ah.

Xulalka Germany, Portugal, Belguim, Czech Repbulic iyo Sweden ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh shaxda ugu fiican wareega Group-yada tartanka Euro 2020.


Source: laacibfm

SHARE