Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Ay Arsenal Ku Dhawdahay Saxiixa Ben White Oo La Ogaaday.

Wararka sheegaya in ay Arsenal ku dhawdahay saxiixa daafaca dhexe ee Ben White ayaa lagu tilmaamay in ay been yihiin sida laga soo xigtay ilo wareedyo ku dhaw kooxda Brighton.

Xiddiga 23 jirka ah ee Ben White ayaa labadii sano ee ugu dambeeyay noqday xiddiga ugu fiican kooxda Brighton isaga oo looga yeedhay waajibaadka xulka qarankiisa tartanka Euro 2020.

Waxa maalmihii ugu dambeeyay la isla dhexmarayay warar sheegaya in Arsenal laga diiday dalab 40 milyan oo euro ah kaas oo ay ku doonaysay xiddiga daafaca ka ciyaara.

Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaan wax dalab cusub ka gudbin saxiixa xiddiga reer England kaas oo haatan xulka England kala qayb galaya tartanka Euro 2020.

Wargayska The Argus ayaa haatan sheegaya in ay gabi ahaan been yihiin wararka sheegaya in ay Arsenal ku dhadahay saxiixa xiddiga waxbana ka jirin wararka dalabka cusub ee Arsenal.

Waxa intaas sii dheer in ayna kooxda Brighton doonayn in ay iska iibiso xiddig muhiim u ah kooxda 1-aad diyaarna u tahay in ay sii haystaan xiddiga xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm

SHARE