Germany Oo Doonaysa In Ay Baasaboor Siiso Jadon Sancho Kadib Markii Uu Ku Dhibaatoday Xulka England

Xulka qaranka England ayaa looga digay in uu dalka Germany baasaboor siin doono xiddiga Jadon Sancho kadib markii uuna xiddigu hal daqiiqo ciyaarin tartanka Euro 2020.

Sancho ayaa Borussia Dortmund ku soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay isaga oo dhaliyay 38 gool 51 kalena caawiye ka noqday 104 kulan oo uu u saftay kooxda Dortmund.

Laakiin inkasta oo tayadiisu tahay mid u cad dadka reer Germany hadana waxa ay u muuqataa in uuna qancin tababaraha xulka England ee Southgate.

Xiddiga ayaa kaliya 6 daqiiqo ciyaaray kulankii uu xulka England guusha ka gaadhay Czech Republic kadib markii uu badal ku soo galay.

Xulk England ayaa la ciyari doona xulka Germany kulanka wareega 16-ka euro 2020 Halyeeyga reer Germany ee Lothar Matthaus ayaana ku kaftamay una digay in uu Sancho iska badali doono xulka.

“Waa Mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican Bundesliga labadii sano ee ugu dambaysay”ayuu Lothar Matthaus yidhi.

“Hadii uuna ku fiicnayn xulka England waxa laga yaabaa in aan siin doono baasaboor Germany ah”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE