Liverpool Oo Ka Mid Ah Saddex Koox Oo Lala Xidhiidhinayo Philippe Coutinho

Kooxda Liverpool ayaa ka mid ah 3 kooxood oo lala xidhiidhinayo xiddiga Philippe Coutinho kaas oo doonaya in uu isaga baxsado dhibaatada Barcelona sida ay sheegayaan wararku.

Philippe Coutinho ayaan wax kulan ah u ciyaarin Barcelona sanadkii 2021 isaga oo ku dhibaatoonayay dhaawac jilibka ah.

Barcelona ayaa sanadihii ugu dambeeyay doonaysay in ay iska iibiso xiddiga Philippe Coutinho laakiin waxa ku adkaatay in ay hesho koox si toos ah ugala wareegta.

Sidaas darteed Barcelona ayaa doonaysa in ay qaab amaah ah isaga dirto xiddiga Philippe Coutinho inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool ka mid tahay 3 kooxood oo uu Philippe Coutinho Doonayo in uu ku biiro suuqa kala iibsiga xagaagan si uu uga tago Barcelona.

Kooxaha Inter Milan iyo Leicester City ayaa ka mid ah kooxaha kale ee doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe.


Source: laacibfm

SHARE