Waa Maxay Sababta Uu Raphael Varane Doonayo In Uu Ugu Biiro Man United?

Raphael Varane ayaa doonaya inuu ku biiro Manchester United xagaagan sababtoo ah wuxuu dareensan yahay inay tahay waqtigii saxda ahaa ee uu uga tagi lahaa Real Madrid tartan cusub, sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer France ee Varane ayaa wakhti badan ku qaatay Real Madrid isaga oo u ciyaaray kooxda 360 kulan kulana guulaystay horyaalka La Liga 3 jeer halka uu 4 champions League kula guulaystay.

Kooxda Man United ayaa xiddiga 28 jirka ah u doonaya in ay ku xoojiyaan kooxda suuqa xagaagan sida laga soo xigtay wargayska the Independent xiddiga ayaana doonaya in uu ku biiro Old Trafford.

Dhanka kale wargayska Metro ayaa sheegaya in uu xiddigu dareensanyahay in la gaadhay wakhtigii ugu fiicnaa ee uu ka tagi lahaa Real si uu u ciyaaro tartan cusub wakhtiga soo socda taas oo sabab u ah rabitaankiisa ah in uu ku biiro Man United.

Varane ayaa dhanka kale doonaya in uu ka ciyaaro premier League oo uu arko midka ugu fiican adduunka waliba ku tijaabiyo naftiisa xiddigaha ugu fiican horyaalka premier League.


Source: laacibfm

SHARE