Warar Ka Soo Cusboonaaday Baacsiga Ay Man City Ugu Jirto Jack Grealish

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inaysan wadahadalo horumar leh kula jirin kabtanka Aston Villa Jack Grealish, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in ay kooxdu dalab 100 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga.

Kooxda ku guulaystay premier League ayaa lala xidhiidhinayaa xiddiga reer England in ay dhamaystiraan saxiixiisa dhamaadka tartanka Euro 2020.

Kooxda Pep Guardiola ayaa doonaysa in ay xiddiga khadka dhexe ku xoojiso iyaga oo waliba la sheegayo in ay kooxdiisa Villa miiska u saartay lacag dhan 100 milyan oo euro.

Laakiin saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ayna kooxda Man City wali wax wadaadalo ah la galin kooxda Aston Villa iyada oo uu Grealish diirada saarayo tartanka Euro 2020.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in ay Man City si xoogan xiiso ugu qabto Grealish laakiin kooxda ayaan wadahadalo la furi doonin xiddiga ilaa dhamaadka tartanka Euro 2020.


Source: laacibfm

SHARE