WARBIXIN: 5 Xiddig Oo Ay Juventus Ku Badali Karto Cristiano Ronaldo

Wakhtigii Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus ayaa u muuqda mid soo dhamaanaya iyada oo uu xiddiga reer Portugal isaga tagi doono kooxda Juventus kadib 3 sano oo uu joogay Serie A-da.

Marka la eego in uu xanuunka Koroan saameeyay kooxaha way adagtahay in la sawirto dalabyo waawen oo u iman kara xiddiga laakiin hadii uu Cristiano Ronaldo ka tago Juventus, kooxda ayaa u dhaqaaqi doonta badalkiisa.

Wargayska MARCA ayaa soo bandhigay 5 xiddig oo ay Juventus u dhaqaaqi karto si ay ugu buuxiso xiddiga Cristiano Ronaldo.

1.Erling Haaland:

Waa dookha ugu cad-cad koox walba oo yurub ah xagaagan, laakiin xiddiga reer Norway ayaan si dhib yar lagu heli karin marka la eego in lagu heli karo lacag waali ah sidoo kale uu xiddigu doonayo in uu ku biiro midkood horyaada La liga, Bundesliga ama Premier League.

2.Harry kane:

Xiddigan ayuu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa waxana uu warqada bixitaanka u gudbiyay kooxda Tottenham waxana uu doonayaa in uu ku biiro koox koobab ku guulaysan karta mustaqbalka dhaw laakiin xiddigan ayaan ka tagi doonin premier League isaga oo ay u badantahay in uu sii joogo premier League kuna biiro kooxda Man City.

3.Mauro Icardi:

Xiddiga reer Argentine ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Juventus marar badan laakiin kooxda ayaan helin saxixia xiddiga waxana ay haatan mar kale isku dayi doontaa in ay hesho saxiixa xiddiga iyaga oo isku dayi doona in ay xiddiga xagaagan ku soo celiyaan Serie A-da.

4.Gabriel Jesus

Juventus ayaa dareenkooda u jeedin karta xiddiga reer Brazil ee Jesus si ay dib ugu soo celiso awoodii ay ku lahayd Serie A-da waxana laga yaabaa in ay hesho xiddiga marka loo eego in uuna ku faraxsanayn kaydka uu u fadhiyo Pep Guardiola iyada oo ay ku sii adkaan doonto in uu ciyaaro hadii ay Man City hesho Harry kane.

5.Antoine Griezmann:

Xiddigaha Sergio Aguero and Memphis Depay ayaa yimid Barcelona xagaagan waxana laga yaabaa in ay arintaas fursad u noqoto Juventus si ay u hesho saxiixa xiddiga Griezmann kaas oo aan qaab ciyaareed fician ku soo bandhigin Barcelona.


Source: laacibfm

SHARE