WARBIXIN: Man United Oo Iska Iibinaysa 12 Xiddig Xilli Ay Ku Dhawdahay Saxiixa Jadon Sancho.

Jadon Sancho ayaa ku dhaw in uu ku soo biiro kooxda Man United taas ayaa la macno ah in ay United iska iibin doonto xiddigo kooxda jooga inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Kooxda Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku dhaw in ay Dortmund kala heshiiyaan qiimaha Sancho kadib muddo sanad ah oo ay ku raad joogeen xiddiga reer England.

Shabakada ESPN ayaa sheegaysa in imaatinka Sancho la macno tahay in ay xiddigo badan la iibin doono inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Waxa jira xiddigo badan oo kooxda 1-aad ah oo ay seeftu ku dhici doonto marka uu Sancho yimaado kooxda iyada oo ay kooxdu doonayso in kala yarayso xiddigaha haatan kooxda Jooga.

Waxa jira xiddigo badan oo uu shaki ku jiro mustaqbalkooda kooxda Man United haatanbana lala xidhiidhinayo kooxo reer yurub ah kuwaas oo xiiso u qaba saxiixooda.

Sidoo kale waxa jira xiddigo doonaya in ay isaga tagaan kooxda si ay ugu biiraan koox ay qaab joogto ah ugu ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe.

Dhanka kale waxa jira xiddigo uu heshiiskooda kooxdu sii dhamaanayo waliba diidan in ay heshiis cusub u saxiixaan kooxda taas oo la macno ah in ay kooxdu doonayso in ay iska iibiso halkii ay qaab xor ah ku waayi lahayd xagaaga dambe.

Xiddigaha Donny van de Beek, Anthony Martial, Jesse Lingard, Diogo Dalot, Andreas Pereira Iyo Nemanja Matic ayaa ah xiddigaha kooxda 1-aad ee ay seeftu ku dhici karto.

Xiddigaha da’yarka ah ee James Garner, Amad Diallo, Shola Shoretire, Anthony Elanga & Hannibal Mejbr ayaa sidoo kale kooxda uga tagi doona qaab amaah ah si ay khibrad u soo helaan.


Source: laacibfm

SHARE